aadami
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)

1. Dadka Eebahay dunida guudkeeda ku abuuray oo dhan. 2. Aadami ahaan. ld aadane, aadmi. aadane, aadmi

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aadami

aadaminnimo [m.dh]
Aadami ahaansho. ld aadminnimo. aadminnimo

aadaminnimo [m.dh]
1. (fals.) Isku taxluujin ku xiran danaha aadamiga, anshaxiisa iyo barashadiisa. 2. (fals.) Dhaqanka qorista (qarnigii 14aad ilaa iyo kii 16aad ee ku saleysan barashada Giriigga iyo Roomaaniyiintii hore).

aadane [m.l.ld]
eeg aadami. aadami

aadmi [m.l]
eeg aadami. aadami

aadminnimo [m.dh]
eeg aadaminnimo¹. aadaminnimo

waagii dhagaxa [m.l]
(waayahii ..., m.l) (taar.) Waqtigii aadamigu isticmaalay qalabka iyo warmaha dhagaxa ka sameysan, ee ka horeysey markii ugu horreysey ee helaan ay bir ceedhiin.

cilmi [m.l]
(nax.) C. afeed: daraasad cilmi ku dhisan oo u gaar ah afafka aadamiga.

jin [m.l]
1. Uun Eebbe oo ka duwan malaa'igta iyo Aadamiga, isugu jira caasi iyo caabud oo dadku uusan arki karin. 2. J. ah: wax isla eg. 3. J. ah: Qof dhib badan.

qaddar [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
(dii.) Awood Rabbaani ah, oo aan aadamiga ku lahayn wax hawl ah. ld qaddar¹ (5).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg