aaddan
(m.l)

eeg aadaan¹. aadaan

aaddan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-damay, -dantay)

eeg aadaan². aadaan

aaddan
(f.g.mg4) (-naa, -nayd)

1. (f.g) Is aa.: laba nafley wax da'da ama xoogga iska le'eg ahaansho. 2. (f.mg) Ku aa.: wax, wax kale ku beegan ahaansho. Tus. “Guriga Cali wuxuu ku aaddanyahay Baar Ubax”. 3. (f.mg) Ku aa.: wax, wax kale muuqaalkooda isku gudbay ahaansho. 4. (f.mg) Ku soo aa.: wax la filayo in uu meel yimaaddo ama ku dhaco waqti go'an ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aaddan

aadaan [m.l]
1. Ogeysiin cod dheer leh oo mu'addinku ugu yeero muslimiinta waqtiyada salaadda. 2. Ci' dheer oo neef riyo ahi uu sameeyo marka uu xanuunsado. ld aadaamid, aaddan¹, eedaan¹. aadaamid, aaddan, eedaan

aadaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay)
1. Cod dheer ugu yeerid muslimiinta waqtiyada salaadda. 2. Kor u qaylin neef riyo ah xanuun dartiis. ld aaddan², eedaan². aaddan, eedaan

aaddanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg aaddan³. ld aaddanaansho. aaddanaansho

aaddanaansho [m.l.dh]
eeg aaddanaan. aaddanaan

qaabbilsan [Fal Gudbe4 | Verb Transitive4] (-naa, -nayd)
1. Qof wax u qaybsan ahaansho. 2. Wax, wax kale ku aaddan ahaansho.

kaalin [m.l] (-immo, m.dh)
1. Ceelka meesha biyaha lagala soo baxo, darkana ku aaddan. 2. Meelaha shidaalka laga qaato.

kaalin [m.dh]
1. Hawl guud inta qof kaga aaddan. 2. ld kaalid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg