aag
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)

Dhul ballaaran oo meel la yaqaano ku fadhiyo. Tus. “Aagga Ceelbuur waxaa laga helaa dhagax jilicsan oo urjikooyinka laga qoro”.

Jacayl naftaada kaagama horeeso*

Markaad naftaada jaclaan weeyso cid kujeclaaneeso majirto


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aag

aagaan [m.l] (-nno, m.l/dh)
Weel yar oo wax lagu shuban karo oo haamaha lagu aabburo.

aagaan [m.dh] (-aamo, m.l)
Haan yar oo biyaha ama caanaha lagu shubto.

aagga-qabow [m.l] (-gag-qabow, m.l)
(jool.)Soohdinta dhulka dushiisa ee kala soocda hawo qabow iyo hawo diiran. Hawada qabow ayaa hoos ka cadaadisa tan diirran.

faag [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Dhul iyadoo aan hoos loo dheereyn qodid. 2. Geed, koor iwm laga qorayo qaabayn.

faagad [m.l]
ld faagasho. faagasho

faagasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg faago. ld faagad. faagad, faago

faagid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg faag. faag

faago [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-gtay, -gatay)
1. (f.g) Dibi jixinaya raaf dhul ku jiidid. 2. (f.g) Dhul hoos u qodid. 3. (f.mg) Ka f.: in yar ka fogaasho.

baahawadaag [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
B. ah: dad iskaashi iyo wax wadaqabsi ka dhaxeeya.

a [m.dh]
(a') Xarafka koowaad ee xuruufta af soomaaliga, ahna shaqal gaaban.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg