aaho
(m.dh) (-ooyin, m.l)

Dhiibato weyn oo abaar ama cudur ay keenaan oo guud ahaan saameya naflay badan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aaho

amaaho [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-hday, -hatay)
Amaah qaadasho.

baaho [m.dh]
Iskaashi iyo wax wadaqabsi dad gaar ah ka dhaxeeya.

baaho [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-hday, -hatay)
1. Baahi dareemid (nafley). 2. U b.: wax la'aantiis u mucurteysnaan.

daaho [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-hday, -hatay)
Ilixir u yeelasho.

dinnaaho [m.dh]
ld dinnaago.

walaahow [m.l]
Jahawareer; walaac.

walaahow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Wax aan laga maarmin waxna aan tarayn dareemid.

aa [Qurub | Diirad, Particle | Focus]
ld baa.

aa [mu.dhm.y]
1. ld Aad. 2. ld aydin.

aa [Erey Dareen | Exclamation]
Cod lagu muujiyo xanuunka.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg