aakhiro
(m.dh)

Meesha iyo nolosha dambe ee lagu noolaan doono marka adduunka laga tago.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aakhiro

naar [m.dh] (-ro, ml.)
1. Meesha la geeyo jinniga iyo insiga xagga Eebbe danbiilayaasha ka ah marka ay aakhiro tagaan; cadaab. 2. N. ah: wax aad u kulul.

Alle [m.l]
(dii.) Ka aan dhimman ee adduun, aakhiro iyo inta uuman sameeyay ee iska leh, Eebbe, Ilaah, Waaq.

cadaab [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. (dii.) Meel aad u kulul, dhibaato badan oo lagu ciqaabo inta Eebbe ku caasiday marka ay aakhiro tagaan; naar. 2. Dhibaato weyn; silic; rafaad.

jibaadgaabis [m.l]
Duco loola jeedo in qof naftu dhibayso adduun ama aakhiro mid uu u dhaco.

siraad [m.l]
1. ld siraaji. Weel gaaska shidma ama dufan kale lagu shubo liifadna leh oo habeenkii la daarto; faynuus. 2. Waddo cadaabta kor marta oo aakhiro dadku wada maro. 3. Iftiin.

xisaab [m.dh]
1. Wax inta tiradoodu la egtahay. 2. Garsoorka uu Eebbe aakhiro mariyo addoomadiisa. 3. Cilmiga tirooyinka iyo joometeriga.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg