aalaa
(Falkaab | Adverb)

Inta badan, marar badan, badanaa. Tus.”Aa. ma yimaado saacadahaan”. badanaa

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aalaa

haalaati [m.l]
Dareenka ku dhasha qof marka uu waayo wax uu caadeystey, sida sigaarka iwm; xaraarad; hamuun. ld halaati, halalaati. xaraarad, hamuun, halaati, halalaati

qaalaamarogad [m.l]
ld qaalmarrogasho.

qaalaamarrogasho [m.dh]
ld qaalmarrogasho.

qaalaamarrogo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-gtay, -gatay)
ld qaalmarrogo.

saalaxweeto [m.dh]
1. Ganacsato yaryar oo aalaaba wareegta ama aan lahayn rug loogu soo hagaago. 2. Hab loo ganacsado badeeco iyadoo aan lacagteeda la bixinb lala wareego. 3. Hab ganacsi ah oo ba-deeco yaryar habda meel wareejiyo.

taalaasemiiya [m.dh]
(daaw.) Cudur dhiigga ku dhaca oo la iska dhaxlo, kuna badan dalalka badda dhexe, Eeshiya iyo Afrika; waxaan caadi ahayn qaybta borotiinka ee heemogolobiinka. Unugyada cascas ee cudurku saameeyo caadi uma shaqeyn karaan, waana burburaan, taas oo keeneysa dhiig yari.

badanaa [Falkaab | Adverb]
Inta badan, marar badan, aalaa. Tus. “Birtu badanaa way mirirtaa”.

dhaaxa [Falkaab | Adverb]
Inta badan, marar, badan, badanaa, aalaa. Tus. “Dh. buu ku sugay”. ld dhaaxaa.

dhurwaayo [m.dh]
Maro midabkeedu isugu jiro madow iyo caddaan oo aalaa danyartu qaadato.

aal [m.dh.fk]
Aashay, -aa, -iis iwm: si aan degdeg iyo fudayd toona ku jirin; aayar, tartiib, qunyar. Tusaale. “Ciise aashiis buu hadlaa”.

aal [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (yiil, tiil; aalli)
aal²: 1. (f.g) Wax meel go'an ku sugnaansho. 2. (f.mg) Ka a.: fal ku dhaqaaqiddiisa deyn. ld ool², oollow

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg