aammus
(m.l)

1. Hadal la'aan. 2. Shib. 3. ld aammusid.

aammus
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-say, -stay)

1. Hadal joojin. 2. Wax sheegiddiisa ka gaabsasho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aammus

aammusan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax aan hadlayn ahaansho; shibban (cid).

aammusdaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -nayd)
Wax aan aammusaynin (cid).

aammusdarnaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg aammusdaran. ld aammusdarnaansho.

aammusdarnaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld aammusdarnaan.

aammusi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Hadal, qaylo ama oohin cid ka celin. Tus. “Carruurta ka aammusi qofka jirran”.

aammusid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg aammus². ld aammus¹ (3).

aammusin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg aammusi. ld aammusis.

aammusis [m.l]
ld aammusin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg