aammusi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Hadal, qaylo ama oohin cid ka celin. Tus. “Carruurta ka aammusi qofka jirran”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aammusi

aammus [m.l]
1. Hadal la'aan. 2. Shib. 3. ld aammusid.

aammusid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg aammus². ld aammus¹ (3).

aammusin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg aammusi. ld aammusis.

aammusis [m.l]
ld aammusin.

afdhabaandhab [m.l]
1. Baaq si aayar ah afka gacanta loogu garaaco si cid hadlaysa loo aammusiiyo. 2. ld afdhabaandhabid.

afdhabaandhab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Si cid hadlaysa loo aammusiiyo afka aayar gacanta ugu garaacid.

gows-hayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Arrin aan la jeclayn, ka hadalkeed, iska ilaalin, ka aammusid. 2. Ka g.: qof diiddan ahaansho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg