aanee
(Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2) (-neeyay, -naysay)

1. (f.g) U aa.: cid, cid kale oo dakano ka gashay ka gudid. 2. (f.mg) U aa.: wax dhacay cid ku tuhmid. Tus. “Waxyeelada baabuurka gaartay waxaa loo aaneynayaa taxaddar la'aanta shufeerka”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aanee

haaneed [m.l] (-dyo, m.dh)
1. Dhinaca bidixeed ee geela laga istaago marka la lisayo. 2. Hab wanaagsan, habsami. habsami

haaneed [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Hal iyadoo bidixda laga taaganyahay haruubka jilibka lagu hayo lisid. 2. ld haneedi. ld haaneedi. haneedi, haaneedi

haaneedi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Haaneed ka dhigid; qurxin. 2. Lisid u diyaarin (geed). 3. ld haneed². haneed

haaneedid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg haaneed². ld haaneedis. haaneed, haaneedis

haaneedin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg haaneedi. haaneedi

haaneedis [m.dh]
Haaneedka iska taagid oo lisid (geel). ld haaneedid. haaneedid

haaneedsad [m.l]
ld haaneedsasho. haaneedsasho

haaneedsasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg haaneedso. ld haaneedsad. haaneedso, haaneedsad

haaneedso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
1. Hal godlan si loo maalo isbahardaadin. 2. Hal haaneedka ka maalid iyada oo dhiilka jilibka lagu hayo ama la saarayo.

aanayn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg aanee.

aan [mu.dhm.y]
1. Magacuyaal tilmaama qofka koowaad ee kelida ah (hadlaha ama wax qoraha). Tus. “Meel aan ku nasto ayaan doonayaa” 2. ld aannu.

aan [qr.diid]
Qurub tilmaamaya in weertu tahay weer diidmo, weer xor ah ama midaan ahayn tu ay tahayba. Tus. “Miyaan fadhigii la qaban?”, “Yaan lacag la siin!”, “Wiilka aan imaanini waa Cali”. ld an.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg