aannu
(mu.dhm.y)

Magacuyaal tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah (marka laga reebo lala hadlaha). Tus. “Xafiiska aannu aragnay waa xafiiskaada cusub”. ld aan1.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aannu

aan [mu.dhm.y]
1. Magacuyaal tilmaama qofka koowaad ee kelida ah (hadlaha ama wax qoraha). Tus. “Meel aan ku nasto ayaan doonayaa” 2. ld aannu.

gaasir [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Wax, miisaankiisa ama cabbirkiisu aannu dhammayn.

tayo [dk.lh.dh] (-tayo)
Tan annagu aannu leenahay. ld taayada², taayo, tayada.

teenna [mu.lh.dh]
(kuweenna, w) Maga-cuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayo ay ku jiraan) aannu leennahay.

teenna [dk.lh.dh] (-tenna)
Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayo ay ku jiraan) aannu leennahay. Tus. “Shirka aan ku qabanno xarun-teenna”. ld teen.

aan [mu.dhm.y]
1. Magacuyaal tilmaama qofka koowaad ee kelida ah (hadlaha ama wax qoraha). Tus. “Meel aan ku nasto ayaan doonayaa” 2. ld aannu.

aan [qr.diid]
Qurub tilmaamaya in weertu tahay weer diidmo, weer xor ah ama midaan ahayn tu ay tahayba. Tus. “Miyaan fadhigii la qaban?”, “Yaan lacag la siin!”, “Wiilka aan imaanini waa Cali”. ld an.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg