aayad
(m.dh) (-do, m.l)

1. Akhriska ama qoridda quraanka inta u dhexeysa laba joogsi. 2. Wax aan hore loo arki jirin oo yaab leh; mucjiso.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aayad

rabbaayad [m.dh] (-do, m.l)
Xayawaan la baray inuu dadka la dhaqmo.

sabaayad [m.dh] (-do, m.l)
Kimis balballaaran oo si gaar ah looga dubo bur; burkaaki jabbaati.

taayada [mu.lh.dh]
(kuwayaga, w) Maga-cuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tus. “Taayada lama taaban ka-ro”.

taayada [dk.lh.dh] (-taayada)
Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tus. “Buugaagtayadu way ka duwanyihiin kuwiinna”. ld tayo².

waagii mesosooik [m.l]
(waayihii ..., m.l) (jool.) Waagii dhexe ee nolosha, ahna midka labaad saddexda qaybood ee taxanaha waqti jiyolojiyeedka wixii ka dambeeyay kambiriyan-ka-horeeyaha: muddaddaas ka mid ah taariikhda dhulka ee u dhexeysa aayada baaliyosoyigga iyo saynasoyigga, waxay kala baxsantahay muddo ah 200 milyan ilaa 70 milyan sannadood ee tagtay.

waayadii dhexe [m.dh]
(taar.) Wax la xiriira waqtayadii dhexe intii u dhexeeysay 1100 Ciise kaddib gaar ahaan taarikhada Yurub.

yeerso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Arday quraan qoranaaya aayadda uu marayo macallinka u sheegid si midda ku xigta loogu sheego.

bisin [m.l]
(dii.) Aayadda suuradaha quraanku ka wada bilawdaan, mid mooyaane oo ah Bismillaahir-raxmaanirraxiim.

dacaayad [m.dh]
ld dicaayad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg