aayar
(m.dh.fk)

Si deggan oo miyir leh. ld aad yar, aadyar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh aayar

aad [m.dh.fk] (-dyo, m.l)
1. Isku beegnaanta laba meelood ama shay. 2. Badan, si daran. 3. A. yar: ld aayar. aayar

aadyar [m.dh.fk]
eeg aayar. aayar

aal [m.dh.fk]
Aashay, -aa, -iis iwm: si aan degdeg iyo fudayd toona ku jirin; aayar, tartiib, qunyar. Tusaale. “Ciise aashiis buu hadlaa”. aayar, tartiib, qunyar

gaabi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Wax dheeraa wax ka dhimid. 2. (f.mg) Aayar u socosho.

gaabshow [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Gaabshow ah: nafley aayar u socota oo aan dheerayn.

taabo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-btay, -batay)
1. Jir, derbi iwm aayar gacan u saarid. 2. Arrin iwm in yar ka sheegid.

taabsii [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iiyay, -iisay)
Gacan aayar wax u saarid.

gaalli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax aayar u wadid. 2. Wax yarayn.

taayar [m.l] (-rro, m.dh)
Lugaha baabuurta.

waarri [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Socod aayar ah oo lugaha la kala fogeeyo cudur dartii socosho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg