adeegso
(Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3) (-saday, -satay)

1. (f.g) Cid adeeg u dirsasho. 2. (f.mg) U a.: wax samayntooda qalab ama wax kale u isticmaalid. Tus. “Baaritaanka dhiigga kombiyuutar ayaa loo adeegsadaa”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh adeegso

adeegsasho [m.f.dh]
eeg adeegso. ld adeegsad, adeegsi.

adeeg [m.l]
1. Hadal aan qornayn oo cid loo dhiibo si ay cid kale u gaarsiiso, farriin. 2. Shaqa hoosaad laga qabto guryaha iyo xafiisyada oo aan u baahnayn xirfad gaar ah. Tus. “Adeeggii buu diidey”. 3. Waxyaabaha daruuriga ah ee qoys maalin suuqa uga baahanyahay.

adeeg [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gay, -gtay)
1. Ka a.: xafiis, guri makhaayad iwm hawl hoosaad ka qabasho. 2. Ka soo a.: waxyaabo daruuri ah ee qoys maalin suuqa uga baahanyahay soo iibin.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg