agag
(m.l)ld agaag.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh agag ↴
aaf [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Meel la deggenyahay ama ceel agagaarkood.
taab [m.l] (-bab, m.l)
1. Xargo isweydaarsan oo gadawga wadaanta iyo dhiilaha loo yeelo si markay buuxaan loogu qaado. 2. Agagaarka guriga. 3. Ubaxa ka soo baxa geedka digirta inta uusan miro yeelan. 4. ld taabid. taabid
faalal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Agagaar, hareer. 2. Socod aan meel lagu tegin. 3. ld faalalid. faalalid
saalimo [m.dh]
Midab madow oo ay iduhu ku yeeshaan barida ama agagaarka sabiisha.
waaray [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo meelaha uu ka soo bilowdo webiga Shabeelle iyo agagaarka magaalada Iimey. Qubleey, maanyo, manyiikay, libin.
xagaggaro [m.dh]
Nooc cawska ka mid ah. ld xaqaggaro.
xagaggeli [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
U x.: labo qof oo isku dhinac ah, keli ula legdamid; midba xag u deyn.
xagaggelin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xagaggeli.
agaag [m.l]
Fagaag. ld agag.
agaagse [m.l]
ld agagse.
ag [m.dh] (-go, m.l)
Meel inta u dhow ama hareerka kaga xeeran.