agagaar
(m.l)

Wax meelaha ku dhow ee hareeraha kaga xeeran. ld agaggaar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh agagaar

aaf [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Meel la deggenyahay ama ceel agagaarkood.

taab [m.l] (-bab, m.l)
1. Xargo isweydaarsan oo gadawga wadaanta iyo dhiilaha loo yeelo si markay buuxaan loogu qaado. 2. Agagaarka guriga. 3. Ubaxa ka soo baxa geedka digirta inta uusan miro yeelan. 4. ld taabid. taabid

faalal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Agagaar, hareer. 2. Socod aan meel lagu tegin. 3. ld faalalid. faalalid

saalimo [m.dh]
Midab madow oo ay iduhu ku yeeshaan barida ama agagaarka sabiisha.

waaray [m.l]
Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo meelaha uu ka soo bilowdo webiga Shabeelle iyo agagaarka magaalada Iimey. Qubleey, maanyo, manyiikay, libin.

agaggaar [m.l]
ld agagaar.

dabayl-cirifeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.cimi.) Dabaylaha aad u qabow ee dhaca meelaha cadaadiska sare leh ee agagaarka cirifyada xagga gobollada dhexe. Kubbad-badhka woqooyi guud ahaan waxay ka dhacaan (kacaan) woqooyi bari, kubbad-badhka koonfureedna koonfur bari.

delo [m.dh]
(bot.) Geed cawska lagu tiriyo oo leh laamo dhaadheer, oo xubno leh oo sida dhuumaha dhexda ka daloola, waxyaalo badanna laga sameeyo, oo ka baxa agagaarka webiga.

duleed [m.l] (-dyo, m.dh)
1. Agagaar. 2. Wax gadaashiis dambe.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg