alkiin
(m.l) (-no, m.dh)(kiim.) Nooc haydarokarboon ah oo leh naaneysta guud ee C H . Alkiinada (oo hore loo oran jiray olifiino) waa iskudhisyo aan dheregsaneyn oo leh dabar lammaan oo kaarboon-kaarboon ah.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh alkiin ↴
alifaatig [m.l] (-gyo, m.dh)
(kiim.) Iskudhis orgaanig ah oo ah alkeyn, alkiin, ama alkayn iyo faracooda. Iskudhisyada alifaaligga ah badidoodu waxay leeyihiin dhis silsilad furan, hasayeeshe qaarkood, sida saykalohigseyn iyo sukurows, waxay leeyihiin giraamo.
nikal [m.l]
(kiim.) Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka ee tusaha kalgalka oo dabiici ahaan u jira isagoo salfaydh ama silikeyt ah. Nikalka waxa loo adeegsadaa kalkaaliye ahaan marka la samaynaayo falgalka haydarojiineynta ee alkiinada, sida soo saaridda margariin, iyo birdhafyada lacagta. Summad Ni; bartadhalaalka 1450 C ; cufnaanta 8.9; tirada atamka 28; cufka atamka 58.7.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg