allabbari
(m.l)

1. Alle wax ka bari; ducaysi. 2. Cunto ay samayso cid ducaysanaysa. 3. allabbariyid.

allabbari
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ryay, -riday; -ryi)

1. Rabbi baryid; Ilaah wax ka tuugid. 2. Cunto lagu ducaysanayo samayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh allabbari

sab [m.dh]
1. Qolo raacatada soomaliyeed u liidi jirtay dawla'aan. 2. Cunto badan oo allabbari loogu talaggalay; dayaafad.

allabbariyid [m.f.dh]
eeg allabbari². ld allabbari¹ (3).

diiq [m.dh]
1. Cunto, dhar iwm aan badnayn oo loo geeyo ummul, aroos, qof jirran iwm. 2. Allabbari dad isu keenaan. ld diiqo.

madaxshub [m.l]
1. Sadaqo loo bixiyo qof haween ah oo dhintay. 2. Allabbari haweenku bixiyaan marka ay soo sid-dhaweeyaan; kuraysi; taraaraysi; sagaalaysi.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg