ammaan
(m.l)1. Nabadgelyo. 2. Qodob yar oo ku yaal buntukha, bistooladda, hubka qarxa iwm oo marka la xiro qaraxa ka ilaaliya rasaasta ama hubka kale. 3. Cad kala bara kuruska geela oo sida badan ceeriinka laga cuno.
ammaan
(m.dh)Wax wanaagsan oo cid laga sheego. 2. Xoolo hadiyad ahaan loo siiyo madaxda ama boqorrada.
ammaan
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-nay, -ntay)Wax wanaagsan cid ka sheegid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ammaan ↴
faan [m.l]
Hadal aan dhab ahayn oo cid lagu ammaano.
maal [m.l]
1. Hanti. 2. ld maashi. (-lal, m.l) Neef irmaan oo cid la ammaanaysiiyo si uu u intifaacsado. 3. ld maalid.
maali [Fal Labagudbe2 | Verb Bitransitive2] (-iyay, -isay)
Cid neef irmaan ammaanaysiin.
abbaanduul [m.l]
Cilmiga barashada hoggaaminta ciidamada xagga dagaalka. ld ammaanduul.
abbaanduule [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Qof taliye u ah col duullaan ah. 2. Taliye-xigeenka gaas, guuto, qayb iwm ee ciidamada. ld ammaanduule.
ammaana-allah [Erey Dareen | Exclamation]
Nabadgelyo.
ammaanan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-aannaa, -aannayd)
Wax la ammaanay ahaansho.
amma [Xiriiriye | Conjunction]
ld ama.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg