anshax
(m.l) (-xo, m.l)(etno.)Habka iyo hanaanka qof bulshada uu la noolyahay la dhaqmo; asluub.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh anshax ↴
aadaab [m.dh]
1. Anshax iyo dhaqan wanaagsan oo cidi leedahay.
2. Anshax iyo dhaqan ay cidi leedahay.
aadaminnimo [m.dh]
1. (fals.) Isku taxluujin ku xiran danaha aadamiga, anshaxiisa iyo barashadiisa. 2. (fals.) Dhaqanka qorista (qarnigii 14aad ilaa iyo kii 16aad ee ku saleysan barashada Giriigga iyo Roomaaniyiintii hore).
edbi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Qof anshax xun toosin. 2. Asluub fiican cid ku barbaarin.
edeb [m.dh]
Asluub iyo anshax wanaagsan.
edebdaran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax anshax iyo asluub xun ahaansho.
edebdarro [m.dh]
1. ld edebdarri. Anshax iyo asluub xun. 2. ld edebdarnaan. edebdarnaan
edebdarroo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Ka e.: anshax xun ku kicid.
edebsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax anshax fiican ahaansho (qof).
edebso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Ilmo anshax wanaagsan u yeelasho.