anuun
(Magacuyaal Ebyoon | Pronoun Independent)

Magacuyaalka qofka kowaad oo ka kooban 'ani'iyo 'uun 3'.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh anuun

caadoxanuun [m.l]
Caadada dumarka oo la timaadda dhib iyo xanuun.

qaanuun [m.l] (-nno/qawaaniin, m.dh)
1. Sharciyo iyo nidaamyo isku duuban oo qolo gaar ah ku dhaqanta. 2. Dhaqan. ld qaynuun, qeynuun.

caloolxanuun [m.l]
Cudur kasta oo caloosha ku dhaca oo xanuujiya.

dareen-xanuun [m.l] (-eemo ..., m.l)
(daaw.) Xanuun aad u daran oo gubasho ah ama mudid ah oo badanaa raaca lareemayaasha.

dhabarxanuun [m.l]
Xanuun dhabarka ku dhaca.

ganuun [m.l] (-nno, m.dh)
1. Haruub yar oo xoolaha lagu maalo (ari). 2. Ceel, meel salkiisa ka mid ah oo biyo ka soo maaxdaa.

ganuuni [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Haan, dhiil iwm haruub ku dabooli.

ganuunin [m.f.dh]
eeg ganuuni. ld ganuuni.

ganuunis [m.l]
ld ganuuni.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg