asiidh
(m.l) (-dyo, m.dh)

(kiim.) 1. Nooc iskudhis ah oo leh haydarojiin kuna kalafurma biyaha oona saara ayoonno togan oo haydarojiin ah. 2. Aragtida lowri-boronistidh ee asiidhada iyo beysyada (1923), waxay qeexiddaa hore u ballaadhisay, in asiidhu tahay borotoo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh asiidh

kaadi [m.dh]
(baay.) Dareere biyo ah oo ay sameeyaan organnada qashinsaarka ee xayawaanku, si ay ugu saaraan qashinka ka soo hadha dheefsashada. Xayawaanka sare, kaadida waxa soo saara kelyaha, waxa lagu keydiyaa kaadi haysta, waxaana laga qashinsaaraa kaadimareenka ama koloykaha. Marka laga reebo biyaha, waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay kaadidu ka koobantahay waxa ka mid ah: maxsuulka dheefsashada naytroojiin oo ah yuuriyo, amuuniya, asiidha yuurik iyo kiritaniin iyo ayoonno aan orgaanik ahayn.

saabuun [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-nno, m.dh)
(kiim.) Iskudhisyada naatriyam ama kaaliyam ay la sameeyaan nooc asiidhada orgaanikada ah; kuwaas oo badanaaba lagu isticmaalo in ay hagaajiso astaanta dhiqidda ee biyaha. ld saabbuun.

yurasil [m.l] (-lo, m.dh)
(baay.) Mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan waxyabaha ay ka koobanyihiin beysaska nukliyootaydhada iyo asiidh bu'eedda RNA. Waxa laga soo dhiraandhirriyaa bayramadiin.

aayoonka haydarojiin [m.l]
eeg asiidh; PH.

alluumiiniyam ogsaydh [m.l] (-dhyo, m.dh)
(kiim.) Budo cad oo aan biyaha ku milmin. Way la falgashaa asiidhada iyo alkaliyadaba sababta oo ah waa laba-eefle.

amiino asiidh [m.l] (-dhyo, m.dh)
(baay.) Koox ka mid ah iskudhisyada orgaanikada ah ee biyaha ku milma ee wada leh koox kaarboogsayl (-COOH), iyo amino (-NH2), oo ku dhegsan alfa kaarboonatam. Dhirta iyo noolayaal ili-ma-aragtay ah oo badan ayaa amino asiidhyada ka samayn kara iskudhisyo sahlan oo aan orgaanig ahayn, laakiin xayawaanku waxay ka helaan in ku filan oo quudkooda ah.

anhaydaraydh [m.l] (-dhyo, m.dh)
(kiim.) Iskudhiska sameysma marka biyo laga saaro mid kale. Ogsaydho bir-ma-ahayaal ah oo badan ayaa ah asiidho anhaydaraydh ah: tusaale ahaan CO waa anhaydaraydhka H CO ; SO waa anhaydaraydhka H SO.

aragtida Leewis [m.dh] (-iyada ..., m.dh)
(kiim.) eeg asiidha Lewis.

asiidha yuurig [m.dh]
(baay.) Maxsuulka burburka buriin ee garaadleyda shimbiraha, xammaaratada berriga iyo cayayaanka. Marka laga reebo garaadleyda, Maxsuulkaas badankiisa waa la qashinsaaraa. Asiidhka yuurig waa ma milme, sidaa darteed, waxa loo saaraa adke ahaan, taas oo dhowrta biyaha qiimaha u leh dhulka oomanaha ah. Asiidhka yuurig markay jidhka ku badato waxay ku ururtaa kala goysyada dhareerka leh taas oo ay ku keento xanuun.

asii [Xiriiriye | Conjunction]
(nax.) 1. Erey lagu xiriiriyo laba weer aan xor ahayn; “oo”. Tus. “Haddaan lacag siiyo asii diido, maxaan sameynayaa?” 2. Erey lagu xiriiriyo laba weer xor ah; “-na”. Tus. “Lagac baan siiyay asuu diiday”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg