awr
(m.l)

(awr, m.dh) 1. Geela kiisa lab; rati. 2. A. cirka: urur xiddiga ah oo qaab rati leh.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh awr

ubur [m.dh] (-rro, m.dh)
Xumbo adag, oo cad, oo awrka qooqan afkiisa ka timaadda. ld abur. abur

uurqaad [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
U. ah: gaaridda neef dheddig uu gaaro da'uu ku rimi karo; awrqaad. ld awrqaad.

wadaamaggoysyo [m.dh]
Cutub xiddigo oo ka mid ah kuwa koonfur, waa if xiddigood afar baase ah u iftiin badan oo ishu si fudud u qaban kartaa, afartu waxay u egyihiin istalaab oo waxaa loo yaqaan istallaabta koofur, waxayna u dhowyihiin awrka cir; wadaamaqubo. ld wadaamaggoys, wadaamaqubo.

xajiintir [m.l]
Maro ama jawaan jilicsan oo marka awrta la rarayo kebdaha laga xijiyo.

yeel [m.dh] (-lo, m.l)
1. Xarig dheer oo loo isticmaalo awrta rariddeeda oo isaga gudba awrka dhinacyadiisa, dabagelisna leh. 2. Inta xarig ah ee ka samaysan harag.

abaahi [m.l]
Isutagga awrka iyo hasha. ld abaahiyid.

abashuqle [m.l]
Guux iyo abur uu afka ka keeno awr doobbo soo ridi waayey. ld aburshuqle.

abjad [m.l] (-dyo, m.dh)
Heeryo cufan, culus oo ka sameysan cajillo, jawaanno, calallo iwm, oo isku tolan oo awrta rarka culus laga xijiyo; qobtol. ld abjed.

aburi [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Abur yeelasho ama soo saarid (siiba awrka qooqan). ld uburi.

ambaal [m.l]
Raro awrka dushiisa la saaro si rarku aanan wax u yeelin awrka.

a [m.dh]
(a') Xarafka koowaad ee xuruufta af soomaaliga, ahna shaqal gaaban.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg