axdi
(m.l) (-iyo, m.dh)

Ballan adag oo lagu heshiiyo. ld cahdi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh axdi

cahdi [m.l] (-iyo, m.dh)
Ballan adag oo lagu heshiiyo. ld axdi..

dhagaxdixeed [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-dyo, m.l)
Dhagax adag oo badanaa laga helo dhulalka biyo mareenka ah, sida togagga.

faxdi [m.l] (-iyo, m.l/dh)
1. Deeq. 2. Qof deeqsi ah.

injiil [m.l]
(dii.) Axdiga Cusub. Qeyb ka mid ah kitaabka kirishtaanka kaasoo la xiriira noloshii Nebi Ciise, iyo diinta Masiixiga Kaniisadii hore ee Masiixiyiinta.

maxdin [m.l] (-nno, m.dh)
Labo dhagax oo mid fidsanyahay kan kaleetana mucdanyahay oo badarka lagu riqdo, iyadoo labada dhagax laysku rugayo; shiid. ld mixdin.

naxdin [m.dh]
Dareen cabsi ku jirto oo qof ku dhacda marka uu la kulmo waxyeello aanu filanayn.

qawl [m.l]
1. Curdanka baarka geedaha ka soo baxa. 2. Hadal; erey. 3. Q. leh: qof axdi leh. 4. Cabbitaan qof jirran afka loogu shubo; kawl.

tawreed Axdigii hore [m.dh]
(dii.) Qeybtii hore kitaabka Diinta kirshtaanka, wuxuuna xambaarsanyahay qoraalka Yahuudda, gaar ahaan wixii la xiriira taarikhda dadka Yahuudda.

ax [Erey Dareen | Exclamation]
Cod lagu muujiyo xannuunka ama xaqiraad.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg