ayaamo
(Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural)

1. Duulal la rumaysanyahay in ay dadka ku ridaan cudur lagu daaweeyo ciyaaro, xoolo la qalo iyo udug. 2. eeg ayaan².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ayaamo

caarood [m.l]
(daaw.) Kahsi muddo gaaban ama muddo dheer oo jirku yeelanayo barbarar wareegsan maqaarka korkiisa cabbirkooduna kala waaweynyahay, cuncun badanna wuu leeyahay; saacado ama ayaamo ayuu jiri karaa.

qandhada deng [m.dh]
(daaw.) Cudur la isqaadsiyo oo fiirus keeno waxaana qaada jeermiga kaneecada la yiraadhdo “aedes aegypty”. Astaamo: xubno xanuun, qandho, madax xanuun, muruqyo xanuun, ilmayn, cuno xanuun, finan cuncun leh oo oogada ka soo baxa. Astaamahaasu waxay jiraan muddo ayaamo ah.

ayaa [Qurub | Diirad, Particle | Focus]
ld baa.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg