ba'
(m.l)

1. Hoog iyo dhibaato aad u badan. 2. (e.d) Dhibaato iyo waxyeello xun cid gaarsiiya; baabba'. baabba

ba'
(m.fg1) (-'ay, -'day; -bi'i)

1. Hoog iyo dhibaato aad u weyn la kulmid. 2. Ka b.: xaalad leh gaajo, harraad, ciil iwm ka bixid. 3. Ka b.: midab, wasakh iwm meel ay yaalleen ka tirtirmid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ba'

ba' [m.l]
1. Hoog iyo dhibaato aad u badan. 2. (e.d) Dhibaato iyo waxyeello xun cid gaarsiiya; baabba'. baabba

ba' [m.fg1] (-'ay, -'day; -bi'i)
1. Hoog iyo dhibaato aad u weyn la kulmid. 2. Ka b.: xaalad leh gaajo, harraad, ciil iwm ka bixid. 3. Ka b.: midab, wasakh iwm meel ay yaalleen ka tirtirmid.

baabba' [m.l]
1. Dhibaato weyn oo wax ciribtirta. 2. B. ah: wax aan waxtar lahayn oo karti yar. 3. ld baabbi'id baabbi'id

baabba' [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-'ay, -'day; -bbi'i)
1. Wax ciribtiran ahaansho. 2. Raad, calaamad iwm. oo meel ku yaal tirmid. 3. Wax xaalad dhibaato leh ku sugnaan.

baabba'san [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Baabba' ku dhacay ahaansho.

baabba'sanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg baabba'san. ld baabba'sanaansho. baabba'san, baabba'sanaansho

baabba'sanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld baabba'sanaan. baabba'sanaan

waali [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Ka w.: nafley meel si ba'an uga caajin.

xabeeb [m.dh]
(daaw.) Codka dadka oo qeex-naantu ka ba'do ama si fiican u soo bixi waaya, dalqada iyo cunaha oo wax gaareen darteed.

alifba' [m.dh]
Xuruuf af lagu qoro oo ka kooban shaqallo iyo Shibbanayaal; alif. ld alif.

ba [qr]
(-ba) 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.)Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus. “Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.) Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg