baad
(m.dh)1. Hanti qof ama dadkii laga adkaado baxsho. 2. Hadiyad la siiyo qof madax ah.
baad
(m.l)1. Caws, caleen, xaab iwm oo ay xooluhu daaqaan; daaq. 2. (-dad, m.l) Mid ka mid ah labada garab ee haadda ama dayuurad; baal. baal
baad
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-day, -dday)Qof laga adag yahay hanti khasab uga qaadid.
baad
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-day, -dday)Hooy ka dhixid (qof ama xoolo).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baad ↴
baabaha masiixiga [m.l (dii.)]
Waa ninka ugu sarreeya baaderiyaasha diinta masiixiga;boobka. boobka
qaabile-kiimikaad [m.l] (-layaal ..., m.l/dh)
(baay.) Qaabile, kaas oo baadha jiritaanka
kiimikooyin gaar ah. Noolayaashaas unug
badanleydo ah waxay u tebiyaan wararka
dareemaha dareen wadayaasha. Tusaale
ahaan waxa ka mid ah ruqur dhadhannada.
yabooh [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-hay, -hday)
1. Ka y.: baadi meel shir ah ka naadin. 2. U y.: cid, cid kale taageero u weyddiin.
yaboohi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Baadi la hayo shir ka baafin. 2. Yabooh weyddiin.
baadari [m.l] (-iyaal, m.l/dh)
(dii.) Wadaad fidiya diinta masiixiga. ld baaderi. baaderi
baaddad [m.dh]
ld baatad. baatad
ba [qr]
(-ba) 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.)Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu
doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus.
“Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.) Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.