baaf
(m.l) (-faf, m.l)Weel weyn oo bir ah una sameysan sida saxan oo dharka lagu dhaqo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baaf ↴
yaboohi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Baadi la hayo shir ka baafin. 2. Yabooh weyddiin.
baafi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Baadi, dad badan weyddiin.
baafin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg baafi. ld baafis. baafi, baafis
baafis [m.l]
ld baafin. baafin
haybaaro [m.dh]
Baafinta la baafiyo wax lumay.
jugeyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Dhar la dhaqay baaf iwm gudihiisa ku garaacasho ama ku xafuujisasho. 2. Haad turub oo fas badan laga hayo degasho (ciyaar turub) ld jukeyso.
jukee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-keeyay, -keysay)
1. ld jugee (1). Si isdabajoog ah wax u tumid 2. Dhar la dhaqayo baaf iwm gudihiisa ku garaacid ama ku xafuujin.
ba [qr]
(-ba) 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.)Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu
doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus.
“Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.) Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.