baahan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-hnaa, -hnayd)

1. Wax baahi hayso ahaansho (nafley). 2. U b.: wax wax u mucurtaysan ahaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baahan

oofo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ftay, -fatay)
Wax rimid u baahan noqosho (sac).

oomman [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Cid wax oon hayo ahaansho. 2. Cid wax si aad ah wax ugu baahan ahaansho.

orgeysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Ri' wax orgi u baahan ahaansho.

orgoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Sac ama ri' wax boodid u baahan noqosho.

qaanqaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Arrin la qaban doono waxyaalaha ay u baahantahay oo ku fuli doonto isku duwid.

qaaraan [m.l] (-nno/-ammo, m.dh)
Xoolo dad badan laga uruursho oo qof u baahan la siiyo ama arrin dadweynaha u dan ah lagu fuliyo ama si kale oo samafal ah loo bixiyo.

qaaraan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
U q.: xoolo dad badan ka ururin si qof u baahan loo siiyo ama arrin dadweynaha u dan ah loogu fuliyo.

tabsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Sac ama qaalin lo'aad wax boodid u baahan ahaansho.

xafaare [m.l]
Diifta iyo tabardarrada bugtadu reebto oo baanta u baahan.

baah [m.l]
ld baahid.

baah [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-hay, -hday)
War, cudur, daad iwm aad u faafid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg