baaji
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Wax la sameyn lahaa dib u dhigid ama iska deyn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baaji

gaafo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ftay, -fatay)
1. Bawdyo kala fogeyn (hal). 2. U g.: wax qabashadooda isu diyaarin. 3. U g.: wax baajintooda isku hawlid. 4. Ku g.: wax dhan walba ka marid.

maalindhaaf [Magac Lab Falkaab | Noun Masculine Adverb]
Wax maalin la sameeyo malinna la dhaafo; fal hawl iwm oo inta maalin la qabto maalinna la baajiyo

qaar [m.dh] (-ro, m.l)
1. ld qaare. Ul dhumuc weyn leh oo madaxa u buuran oo lagu dagaallamo; huur. 2. Cayaar shaxeed aan la baajin karin kataanteeda. ld

abaaji [m.l]
Xoolo lumay oo waa dambe la tabay.

abaaji [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-iyay, -iday; -iyi)
Xoolo lumay waa dambe tebid.

abaajiyid [m.f.dh]
eeg abaaji².

baajin [m.f.dh]
eeg baaji. ld baajis.

baajis [m.l]
ld baajin.

ballanbaaji [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Cid, ballan ay dhigtay ka maqnaan.

baa [qr.dd (nax.)]
Qurub tilmaama halka weerta ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u diiradaynayaa qaybta magacyada. Tus. “Ma Cali baa yimid?” “Haa, Cali baa yimid”. ld aa¹, ayaa, yaa³.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg