baalash
(m.l)

1. Rinji midabbo badan leh oo gasacado yaryar ku jira oo kabaha la mariyo, luujito. 2. Burush.

baalash
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-shay, -shtay)

Kabo luujito marin. ld baalashee.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baalash

daaf [m.l]
(daaw.) Halamacoodka xuubka isha iyo baalasha kaasoo gaduuta oo barara soona daaya biyo ama malax.

xabaalasho [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xabaalo².

aboodi [m.l] (-iyo, m.dh)
Nooc haadda ka mid ah oo xagga weynaanta u dhaxeeya gorgorka iyo coomaaddaha, oo habeenkii dhulka u hoyda oo afka luguha iyo baalasha dhinacyadooda guduudan.

baalashee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-sheeyey, -sheysey)
ld baalash².

baalasheyn [m.dh]
ld baalashid.

baalashid [m.f.dh]
eeg baalash². ld baalasheyn.

baaldhiig [m.l]
Cudur digaagga ku dhaca oo baalasha salkooda dhiig u yeela.

caddadhuuni [m.dh]
Shimbir yar garbaha ka madow, baalashana midab dahabi ah ku leh; dahabo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg