baalcas
(m.l)

Cayayaan yar, diqsiga u eg, kase weyn oo xoolaha qaniina geeluna ku dhukaamo. ld baal¹ (4), baalcad² (2).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baalcas

baal [m.l] (-lal, m.l/dh)
1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. ld baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.

baalcad [m.l]
1. Qaloon loogu talagalay in alla bari lagu samaysto; salool. 2. ld baalcas.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg