baaldi
(m.l) (-iyo, m.dh)

1. Weel caag ama bir ka samaysan oo af ballaaran iyo siddo la qabsado leh oo biyaha lagu shubto ama lagu qaato. 2. Weel macdan ka samaysan, abbur iyo siddo la qabsado leh oo caanaha lagu shubto; jeeg.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baaldi

baaldillaacsad [m.l]
ld baaldillaacsasho.

baaldillaacsasho [m.f.dh]
eeg baaldillaacso. ld baaldillaacsad, baaldillaacsi.

baaldillaacsi [m.l]
ld baaldillaacsasho.

baaldillaacso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Heerkii ay ku duuli lahayd gaarid (shinbir).

dalaw [m.l]
1. ld dalow 1 (3). Baaldi. 2. ld dalaaw¹.

dalow [m.l] (-wyo, m.dh)
1. Wadaan ramal ah; baaldi. 2. Haadaan ama meel dheer oo hoobad ah; deli. 3. Qof dalkiisii dhibaato awgeed uga cararay ee meel kale degaansada. 4. ld dalaabid.

baal [m.l] (-lal, m.l/dh)
1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. ld baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.

baal [m.dh] (-lo, m.l)
Dhinac, doc. Tus. “Baasha midigta ee albaabka istaag”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg