baali
(m.dh) (-iyo, m.l)

Qof dumar ah oo aan daryeelin nadaafadda nafteeda, hugeeda, aqalkeeda iwm; areebo.

baali
(m.dh)

Wax duug noqday muddo dheer dabadeed (dhar iwm).

baali
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Koofiyad, gammuun iwm. baal u yeelid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baali

yabaalid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg yabaal². ld yabaal¹ (2). yabaal

qaarxabaalid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg qaarxabaal².

sabaali [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax sasabid.

sabaalin [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg sabaali.

tabaalicid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg tabaalac².

waagii mesosooik [m.l]
(waayihii ..., m.l) (jool.) Waagii dhexe ee nolosha, ahna midka labaad saddexda qaybood ee taxanaha waqti jiyolojiyeedka wixii ka dambeeyay kambiriyan-ka-horeeyaha: muddaddaas ka mid ah taariikhda dhulka ee u dhexeysa aayada baaliyosoyigga iyo saynasoyigga, waxay kala baxsantahay muddo ah 200 milyan ilaa 70 milyan sannadood ee tagtay.

xabaalid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg xabaal³. ld xabaal¹, xawaal¹.

abaali [m.dh] (-iyaal, m.l/dh)
A. ah: haan duug ah oo biyaha sii daysa; boos.

areebo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Naag karti xun oo aan nadiifin karin jirkeeda, gurigeeda iwm; basari; baali; arraajo.

baa [qr.dd (nax.)]
Qurub tilmaama halka weerta ka saaran diiradda, wuxuuna si gaar ah u diiradaynayaa qaybta magacyada. Tus. “Ma Cali baa yimid?” “Haa, Cali baa yimid”. ld aa¹, ayaa, yaa³.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg