baaluq
(m.l) (-qyo, m.dh)

B. ah: qof da'di qaangaarnimada gaarey.

baaluq
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-qay, -qday)

Da'dii qaangaarnimada gaarid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baaluq

caado-immaansho [m.dh] (c.baay.)
Xilliga caadadu ka timaaddo qofka dumarka ah, oo baaluqday oo aan uur lahayn sida caadiga ahna bishiiba waa mar inta ay wax iskabeddeleyaan. caado, dhibaad, xiso, xayl

baaluqad [m.dh] (-do, m.l)
B. ah: gabar qaangaar ah.

baaluqid [m.f.dh]
eeg baaluq².

baaluqnimo [m.dh]
Baaluq ahaansho.

baaluqo [m.dh]
Qof da'dii baaluqnimada gaarey.

ciso-la'aan [m.dh]
(daaw.) La'aanta ama joogsashada caadada (dhiigga) ay dumarku bishii mar helaan. Caado ma laha gabdhaha aan baaluqin, dumarka uurka leh ama caano laga nuugayo iyo kuwa dhalmo dayska ah.

niinf [m.dh]
(c.nafl.) Heer ay maraan xasharaadka qaarkood intaayan weynaan sida: kaboyaaga marka ukunta ka soo baxaan niinfigu waxay u egyihiin kuwa waaweyn; waxay kaga duwan yihiin oo keliya: a) way ka yaryaryihiin; b) baalal uma soo wada bixin; c) mana baaluqin.

baal [m.l] (-lal, m.l/dh)
1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. ld baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.

baal [m.dh] (-lo, m.l)
Dhinac, doc. Tus. “Baasha midigta ee albaabka istaag”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg