badi
(m.dh)

1. Wax tirsama intooda badan. 2. (fk) Alaaba, sida qaliibka ah, inta badan, badanaa, guud ahaan.

badi
(f.g/mg1/2) (-iyay, -iday/-isay; -iyi)

1. (f.g) Wax in go'an ahaa, in kale oo la nooc ah ku darid. 2. (f.mg) Ka b.: cid tartan kaga adkaan. 3. Ka b.: wax, cid uga aqoon badnaan; ka rayn. 4. Ka b.: wax intii loo baahnaa in ka badan ku darid. Tus. “Shaahii sonkor buu ka badiyey”.

Tabadiin*

Tuunada Tabadiin (yellowfin Tuna) waa nooc ka mid ah tuunada (Tuna) oo laga helo biyaha caaryada ah ee kulaalayaasha iyo badaha kulaala hoose ee adduunka oo dhan.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh badi

kaadibadshe [m.l] (-shayaal, m.l/dh)
(daaw.) Daawo badisa kaadida ayadoo biyo iyo cusbooyin ka soo deyneysa kelyaha.

baahi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
U b.: cid in ay wax u baahato badid.

rabadin [m.l] (-nno, m.dh)
1. Meel la degi karo oo bannaan hareerahana dhir ama buuro ka xigaan. 2. Xero; hoy.

tabadiin [m.dh]
ld tebediin.

tacabkordhin [m.dh]
Wax soo saarka oo la badiyo.

abooto-idabbadis [m.dh]
Ayeeyo-lugdheer.

afjuxuunso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Xag aqooneed, aftahannimo iwm cid dood kaga badin.

alifaatig [m.l] (-gyo, m.dh)
(kiim.) Iskudhis orgaanig ah oo ah alkeyn, alkiin, ama alkayn iyo faracooda. Iskudhisyada alifaaligga ah badidoodu waxay leeyihiin dhis silsilad furan, hasayeeshe qaarkood, sida saykalohigseyn iyo sukurows, waxay leeyihiin giraamo.

antaradhaafi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax xadkoodi caadiga ahaa ka badin.

aqi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Nafley gaajo iyo harraad badan badid. ld caqi.

ba [qr]
(-ba) 1. (nax.) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tus. “Waxba ma aha”. 2. (nax.)Mid kasta; wax kasta. Tus. “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (nax.) In badan. Tus. “Wuxuu doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tus. “Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (nax.) Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg