caabbi
(m.l)

ld caabbiyid. caabbiyid

caabbi
(Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2) (-iyay, -iday/-isay; -iyi)

1. Adakayn, xajin. 2. Iska c.: iska celin. adakayn, xajin

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caabbi

caabbin [m.dh]
ld caabbiyid. caabbiyid

caabbin [m.l (fiis.)]
Summad: R. Saamiga keyd faraqa ee geftinnada gudbiye iyo qulqulka danabka ee dhexmaraya gudbiyaha. Sidaas awgeed, caabbi waa caabbirka hakinta qulqulka danabka. R = V/I taas oo V ay tahay keyd faraqa, I ay tahay qulqulka danabka. Caabbiga waxa lagu cabbiraa oom (omega).

caabbin [m.dh]
(taar.) Iska caabbin cadow ama weerar dagaal, ficil ay dadku ku qaadaan si ay u helaan xornimo, ama iskacelin weerar.

caabbiri [m.l] (-iyo, m.dh)
Jaadadka doonyada shiraaca leh midda ugu yar oo qaadi karta toddobaatan ilaa afar boqol jawaan.

caabbis [m.l]
ld caabbiyid. caabbiyid

caabbiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(fiis.) Qayb ka mid ah qalab danabeed oo leh caabbi, laguna doortey isticmaalkeed astaantaas awgeed.

caabbiyid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg caabbi(2). ld caabbi(1), caabbin, caabbis. caabbi, caabbin, caabbis

gudbitaan-danabeed [m.l]
(fiis.) Rogaalka caabbitaanka (lammaanaha caabbiga P) ee walax. Waxa lagu cabbiraa saymen (S) halkii oom (S/omega). Gudbin danabeed (mdh.): maritaanka saldanab dhexmaro walax (gudbiye), marka ay badad danab saamayso walaxdaasi.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg