caadi
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

C. ah: Wax sidii lagu yiqiin ah.

Inaba caadi ma aha*

aad ugu bogid. ka helid . la yaabid  Bandhigii Suldaan Seeraar inaba caadi ma ahayn xalay


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caadi

caadinnimo [m.dh]
Caadi ahaansho (wax).

caadinnimo [m.dh] (kiim.)
Tirada garaam-isudhigan ee ku jirta hal disimitir oo saddex jibbaaran (Idm3=IL) oo milan ah.

caadiyaal [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
ld caadyaal. caadyaal

caado-immaansho [m.dh] (c.baay.)
Xilliga caadadu ka timaaddo qofka dumarka ah, oo baaluqday oo aan uur lahayn sida caadiga ahna bishiiba waa mar inta ay wax iskabeddeleyaan. caado, dhibaad, xiso, xayl

caadyaal [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
C. ah: wax aan qarsoonay oo si bayaan ah u muuqda. ld caadiyaal. caadiyaal

daaddeg [m.l] (-gyo, m.dh)
(juqr.) Qayb ka mid ah webiga oo socoshada biyaheedu ay ka dheerayso socoshada caadiga ah ee biyaha. Waxa laga yaabaa inay sababto tiirada oo janjeerkeedu si kedis ah kor ugu kaco, ama adkaysiga dhadhaabaha biyuhu dul marayaan oo aan isla ekayn.

kaadi-yaro [m.dh]
(daaw.) Sameynta kaadida oo si aan caadi ahayn u yaraata.

laablakac [m.l]
Fal fiirsi la'aan iyo caadifadi hoggaamiso.

laablakicid [m.dh]
Fal ka fiirsi la'aan iyo caadifadi hoggaamiso dareemid.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg