caado
(m.dh) (-ooyin, m.l)

1. Fal bulsho joogteysato kuna dhaqanto. 2. Fal qof si joogta ah ugu dhaqmo. 3. Dhiig ka yimaada haweenka bishiiba hal mar; dhibaad; xiso; xayl. dhibaad, xiso, xayl

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caado

caadayso [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-stay, -satay)
Wax caado ka dhigasho.

caado-immaansho [m.dh] (c.baay.)
Xilliga caadadu ka timaaddo qofka dumarka ah, oo baaluqday oo aan uur lahayn sida caadiga ahna bishiiba waa mar inta ay wax iskabeddeleyaan. caado, dhibaad, xiso, xayl

caado-raacnimo [m.dh]
Ixtiraam weyn ee caadada ku saabsan.

caadoxanuun [m.l]
Caadada dumarka oo la timaadda dhib iyo xanuun.

caado wareer [m.dh]
Waa nooc xanuun caado dumarka intooda badan la kulmaan inta ay noloshooda jirto. Erayga caafimaad ahaan loogu isticmaalo waa dysmenorrhoea. anuunka uu keeno caadaada dhiigga waxaa laga dareemi karaa qaybta hoose ee calooshaada laakin waxuu ufaafi karaa dhabarkaaga iyo cajiradaada.

qaayib [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
1. Wax la bartay ka caado yeelasho. 2. Wax si aad ah ugu bogid.

abbaay abbaay [m.dh]
Digri haweenka u gaar ah oo la sameeyo marka haweeney ay kuraysanayso ama markii caado ahaan loo xusayo abbaay Faaduumo oo lagu wado gabadhii Rasuulka (n.k.h.a.).

alab [m.l]
Ged; caado; dabci.

balwad [m.dh] (-do, m.l)
1. Caado xun, waxyeello leh oo aan si sahlan lagu dhaafi karin. 2. Balwo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg