caadyaal
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

C. ah: wax aan qarsoonay oo si bayaan ah u muuqda. ld caadiyaal. caadiyaal

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caadyaal

caadiyaal [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
ld caadyaal. caadyaal

caadyaalnimo [m.dh]
Caadyaal ahaansho (Ilaahay).

magac [m.l] (-cyo, m.dh)
(nax.) Qaybaha hadalka mid ka mid ah, oo tilmaama wax nool (gabar, faras iwm), wax aan noolayn (bir, loox iwm) iyo waxyaabo kale. M. caadyaal: wuxuu tilmaama waxyaabo la taaban karo (buug, qalin iwm); m. cillaneed: wuxuu tilmaama shay leh tayo aanay dareemi karin shanta dareemayaal (jacayl, fikrad, run iwm); m. gaar: magac si gaar ah u tilmaama noole ama shay (Maandeeq, Xamar, Cali, Jubba iwm); m. guud: magac si guud ah u tilmaama qof, xayawaan ama shay (gabar, lo', magaalo iwm); m. urur: magac tilmaama koox noole ama shay (xayn, geel, dad iwm).

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg