caag
(m.l) (-gag, m.l)1. Adke loodsame ah, si fudud u gubta oo waxyaabo badan laga sameeyo. 2. (-gag, m.l) Wax kasta oo balaastiig ka sameysan. 3. Meel yara godanoo biyo qabatin leh.
caag
(m.l) (kiim.)Walax loo yeeli karo qaab marka la adeegsado kul ama cadaadis. Caagagga badankooda waxa laga sameeyaa “xabko” macmal ah oo la tarmiyey.
caag
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-gay, -gtay)Ka c.: gasiin iwm dhaqan awgiis uga go'id.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caag ↴
caaggan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax gasiin iwm dhaqan awgiis uga go'ay ahaansho. 2. Ka c.: ka reeban.
caagganaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg caaggan. ld caagga-naansho. caagga-naansho
caagganaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld caagganaan. caagganaan
caagid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg caag³. caag
caaji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Qof in uu wax ka caago gayeysiin.
baaldi [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Weel caag ama bir ka samaysan oo af ballaaran iyo siddo la qabsado leh oo biyaha lagu shubto ama lagu qaato. 2. Weel macdan ka samaysan, abbur iyo siddo la qabsado leh oo caanaha lagu shubto; jeeg.
badhan [m.l] (-amo, m.dh)
Shey yar oo caag, bir iwm ka samaysan, wareegsan xalleefsan daloollo leh oo dharka la gashado meelo gaar ah looga tolo si uu dacalladooda isugu qabto; galuus.