caali
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

1. Neef lo'ah si loo gowraco luquntiisa fidin. 2. Is c.: nafley, wax suuxsan ama liita iska dhigid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caali

qaarjeex [m.l]
Cudur sambabada caaliriya oo leh xummad iyo qunfac daran; oofwareen.

tacaalid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg tacaal². ld tacaal¹.

banmar [m.l]
1. Cudur caaliriya candho neef markaa dhalay oo ka yimaadda nadaafaddarro. 2. ld banmarid.

banmar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Candho neef markaa dhalay nadaafaddarro awgeed caalirid.

banoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Candho neef markaa dhalay nadaafaddarro awgeed caalirid.

barar [m.l]
Buurashada meel jirka ka mid ah caalir awgeed la buurato.

barar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Meel jirka ka mid ah caalir awgeed la buurasho.

boog [m.dh] (-go, m.dh)
Nabar caalir leh jirka muddo ku yaallay oo aan weli biskoon.

caalid [m.f.dh]
eeg caal³.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg