caam
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

C. ah: wax guud ahaaneed oo dad badan u dhexeeyo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caam

alkaali [m.l] (-iyo, m.dh)
(kiim.) Beys xooggan oo biyaha ku milma. Ereygani wuxuu tilmaamayaa haydarogsaydhada biraha alkali (ururka I) oo keliya, hasayeeshee sida caamka ah waxaa loo isticmaalaa beys kasta oo milma.

barashada cilmiyadii hore [m.dh]
(taar.) Barashada su'aalaha caamka ah, laga bilaabo far qoriddii hore, iyo barashada Kirishtaannimada, sidii ay sameeyeen Yurub qarnigii 9aad ilaa kii 17aad.

caambax [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-xay, -xday; -bixi)
Ku c.: qof wax caan ku noqosho.

caambixid [m.f.dh]
eeg caambax.

caamnimo [m.dh]
Caam ahaansho.

caamo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Dad aan wax qori karin waxna akhrin karin. 2. Qof muslin ah oo diinta Islaanka aqoon badan u lahayn.

dhacaamid [m.f.dh]
eeg dhacaan³. ld dheecamid.

dheecaamid [m.dh]
ld dhacaamid.

halcaamood [m.l] (-dyo, m.dh)
Nooc masaska dheereeya ka mid ah oo aan wax yeello lahayn. ld mascaanood.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg