caan
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)

C. ah: wax dad badani yaqaan.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caan

aabee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -beysay)
1. Cid qaddarin ama tixgelin siin. 2. Weel asal iyo xaydh marin, si uusan biyaha, caanaha iwm u habin.

aagaan [m.dh] (-aamo, m.l)
Haan yar oo biyaha ama caanaha lagu shubto.

ib [m.dh] (-bo, m.l)
1. Dalool yar oo naasaha caaraddooda ku yaal oo ay caanuhu ka soo baxaan. 2. Dalool ku yaal xubinta taranka laboodka oo ay kaadidu ka soo baxdo. 3. Dhuun yar oo xanjo ka samaysan oo dhurduhu u maro surta.

ibadaboole [m.dh] (-layaal, m.l/dh)
Cudur ibta naasaha xoolaha ku dhaca oo caanaha ku celiya. ld ibadaboolo. ibadaboolo

ibajiiqo [m.dh]
Yaraanta iyo ciriirinnimada uu yeesho caanamareenka naaska

odayee [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-deeyay, -deysay)
1. (f.g) Geel la lisayo caanihiisa qeybin. 2. (f.mg) Ka o.:hawl, arrin iwm si xilkasnimo leh u dhexgelid.

qaab [m.l] (-bab, m.l)
1. Hannaanka wax leeyahay. 2. Hab. 3. Caano garoor ah. 4. Caano yar oo garoor ah oo caanaha dhayda ah lagu daro si ay durba garoor u noqdaan; salsal; khamiir. hab

caabuqtire [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
(baay.) Walax laga helo noolayaasha yaryar gaar ahaan mooldiska, kuwaas oo baabi'iya ama joojiya koritaan noolayaal kale oo ilima-aragtay ah gaar ahaan bakteeriyada iyo fangiga cudurrada faafiya. Caabuq- tirayaasha caanka ah waxa ka mid ah: beenasaliin, istarabtumaysiin iyo tetrasay-kalin.

baabee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -beysay)
Weel caanood deebin.

qaabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax qaab u yeelid. 2. Caano qaab ku darid. ld qaab², qaaban¹ (1). qaab, qaaban

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg