caanad
(m.dh) (-ddo, m.dh)

Lacag ka mid ah sarrifka rubbiyada oo qiimaheedu yahay toban senti.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caanad

saaq [m.l]
1. Dhir geedaha kale ku faalasha. 2. Lacag ka mid ah sarrifka rubbiyadaha oo u dhiganta laba caanadood oo waayadii hore la isticmaali jirey.

caanaddiid [m.l]
1. C. ah: waqtiga barwaa- qada qofka caanaha dhami kari waayay, markay ku keliyaysteen. 2. ld caanadiidid.

caanaddiid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Waqti barwaaqo ah, caano dhami waayid.

caanaddiidid [m.f.dh]
eeg caanaddiid². ld caanadiid¹ (1).

caanaddiiq [m.l]
Dad caanaha xoolaha suuqa u iib geeya. ld caanateel¹, caanateelley, caanooley (1).

caanaddiiq [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-qay, -qday)
Dad, caanaha xoolahooda suuq u iib geeyn.

caanaddiiqid [m.f.dh]
eeg caanaddiiq². ld caanaddiiqis.

caanaddiiqis [m.dh]
ld caanaddiiqid.

caanateel [m.l]
1. ld caanaddiiq 1. 2.C. ah: xoolo lagu dhaqo meel u dhow tuulo ama magaalo si caanahooda loo suuqgeeyo. 3. C. ah: qof dhaqa xoolahaas. 3. ld caanateelid.

caan [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
C. ah: wax dad badani yaqaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg