caanaqub
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)

Naasley caws ku nool ah, qodxo dhaadheer oo mardimo caddaan iyo madow isku xiga dusha ku leh; kashiito; yaadaddo; dhiddo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caanaqub

yaadaddo [m.dh]
(c.nafl.) Bahal yar oo wax xagta oo leh duf adag iyo qodxo dhaadheer oo mardimo leh, caddaan iyo madow ah; caanaqub; kashiito; dhiddo. caanaqub, kashiito, dhiddo

kashiito [m.dh] (-ooyin, m.l)
Nafley caws ku nool ah oo leh qodxo dhaadheer oo midabbo caddaan iyo madow isugu jira leh, beerahana aad u waxyeelaysa; yaadaddo; dhiddo; caanaqub.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg