caanee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-neeyay, -naysay)

Caano wax ku darid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caanee

caanayn [m.f.dh]
eeg caanee.

caaneeye [m.dh]
Iniin meseggo ama galley inta aysan habuuq noqon.

caaneeyo [m.dh]
Caanaha laga saaro burcadka marka la shiilo. ld caaney, caanooyo.

caaney [m.dh]
ld caaneeyo.

caanooyo [m.dh]
ld caaneeyo.

macaanee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-neeyay, -neysay)
Wax macaan ka dhigid. ld macee.

shiil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-iilay, -iishay)
1. Subag ama saliid kulul wax ku bislayn. 2. Burcad subag iyo caaneeyo u kala saarid.

subag [m.l]
1. Burcad la shiilay caaneeyada laga saaray miidda ka soo harta. 2. Baruurta la shiilo miidda ka soo baxda oo aan fariisan.

caan [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
C. ah: wax dad badani yaqaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg