caaq
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate) (-qyo, m.dh)

C. ah qof aad u garaad yar.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh caaq

nabaddoon [m.l] (-nno, m.dh)
1. Qof loo xilsaaray in uu cido colaadi dhextaal heshiisiyo. 2. Qof qabiil madax u ah; caaqil; ugaas.

caaqibaxumi [m.dh]
ld caaqibaxumo.

caaqibaxumo [m.dh]
Xaalad aan aayatiinkeedu wanaagsanayn. ld caaqibaxumi.

caaqibayn [m.f.dh]
eeg caaqibee.

caaqibee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-beeyay, -baysay)
Wax caaqibo u yeelid.

caaqibo [m.dh]
1. Cirib dambeedka qof leeyahey, aayatiin. 2. Waxtar iyo wanaag.

caaqido [m.dh]
ld caqiido.

caaqil [m.l] (-liin/-llo, m.dh)
1. Nin caqli badan. 2. (-llo/cuqaal m.dh) Nin bulsho meel ku wada nool u dooratay inuu madax u noqdo; nabaddoon.

caaqilad [m.dh] (-dyo, m.dh)
Naag caqli badan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg