cul
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ulay, -ushay)

Weel caanood ama biyood qori dab ah gudihiisa oo dhan xoqid, si loo nadiifiyo. ld cug².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh cul

jaakad [m.dh] (-do, m.l)
Dhar culus, kor laga qaato oo lagu xarragoodo dhaxantana laga qaato; jubbad; koor.

naastro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Qalab hadalka iwm ku duuba cajaladaha. 2. Silsilad xabbadaha qorigu ku jiraan oo boobayaasha culus la geliyo. 3. Mullaax maro ah oo khad leh loo isticmaalo makiinadaha qoraalka.

xagaldaac [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-cay, -cday)
Baari ama culays ka batay darti, lugtu la laabmid, la daacid, la kufid. ld xagalkaddaac.

abjad [m.l] (-dyo, m.dh)
Heeryo cufan, culus oo ka sameysan cajillo, jawaanno, calallo iwm, oo isku tolan oo awrta rarka culus laga xijiyo; qobtol. ld abjed.

baari [m.l]
1. Culays, culaab. 2. ld baariyid.

baari [Fal Gudbe1/2 | Verb Transitive1/2] (-iyay, -iday/-isay; -iyi)
1. Xoog ku riixid; qof wax ku adkayn; culays saarid. 2. Badeeco beec ka xayirid. 3. Ku b.: wax la naadinaayay qofka qiimaha ugu sarreeya gaara ka iibin.

baraf-dhagax [m.l] (-xyo, m.dh)
(c.cimi.) Kubbado yaryar oo baraf adag ah, dhexroorkooduna uu gaarayo 5 mm. iyo in ka badan, kuwaas oo ka dhaca daruuraha kumuulonimbaska, badanaa waxaa la socda duufaan wadata roob culus oo onkod iyo hillaac leh. Dhagax barafyadu waxay leeyihiin qaabab kala duwan oo xajmigoodu uu gaarayo in door ah; dhagax barafyada keli kelida ah waxaa lagu yaqaannaa in miisaankoodu uu gaaro hal kg iyo ka badan. Samaysankooda waxaa u sabab ah hawo qoyan oo si dhaqso leh kor ugu kacda; dhibcaha biyaha ah way barafoobayaan.

baroordiiq [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis oo loo jeediyo qof dhibaato culus gaartay; tacsi. 2. ld baroordiiqid.

baroordiiq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
U b.: hadallo debecsan oo waano iyo laabqaboojis ah qof dhibaato culus gaartay u jeedin; tacsi ugu tegid.

barroosin [m.l]
Bir culus, afar ganood oo dib u laaban iyo dabo daloosha oo silsilad lagu xiro leh, oo maraakibta iyo doonyaha badda loogu rido kolka la joojinaayo. ld barroosi.

c [m.dh]
(ca') Xarafka saddexaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg