curad
(m.l) (-ddo, m.dh)

Wiilka ugu horeeya ee qof u dhasha. ld corad.

curad
(m.dh) (-do, m.l)

Gabarta ugu hooreysa ee qof u dhalata. 2. Neef xoolo ah oo da'ama ka badan dhalay. ld corad.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh curad

corad [m.l] (-dyo, m.dh)
ld curad.

curadnimo [m.dh]
Curad ahaansho.

curadweyn [m.l]
Riyaha intooda curada ah.

curadxige [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-gayaal, m.l/dh)
Wiil ama gabar dhalasho ku xiga curadka. ld curadxigeen.

curadxigeen [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld curadxige.

dhimbil [m.dh] (-lo, m.l)
1. Dhulux yar oo nool (dab leh). 2. Raydabka mirihiisa curadka ah. ld dhimbiil.

duq [m.l]
Biciid dheddig oo curad ah.

gefso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Neef curad ah muddo rimi waayi.

cur [m.l]
1. Carjawda qulaanqulshaha hunguriga cad oo ku taal cunaha ragga oo xagga dibadda u soo taagan; halcun. 2. Qoorta hor ee dhuuban o weelasha qaarkood leeyihiin; sida: dhalada, ubbada iwm.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg