curcur
(m.l) (-rro, m.dh)

1. Meesha ay dhudhunka iyo calaacasha iska galaan. 2. Lafta dheer oo gacanta ee u dhexeysa suxulka iyo jalaqleyda.

curcur
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine) (-ro, m.l/dh)

Buur yar; kood; gunbur.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh curcur

curcuri [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Dhudhun wax ku cabbirid.

curcurin [m.f.dh]
eeg curcuri. ld curcuris.

curcuris [m.l]
ld curcurin.

curcurrey [m.dh]
Shimbir qoolleyda u eg kana yar.

qoolley [m.dh]
Nooc shimbiraha ka mid ah dhowr jaad u kala baxda oo kuwa ugu caansani surka daliig yar, madow oo qool la moodo ku leeyihiin; ceelal joog; humburuq; adar; curcurri.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg